GAALKACUO (DAYNIILE.COM)-Ciidanada Booliiska .Maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay rag ku eedeysan inay yihiin gacan ku dhiiglayaashii dilay Ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan Allaha u naxariistee.

Sida shalay warbixinteenii aan ku soo daabacnay kooxo hubeysan ayaa goobtiisa shaqo ku toogteen Ganacsade Axmed Tahliil kadibna way baxsadeen.

Advertisement

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug  Maxamuud C/xakiin Yuusuf ayaa eedeysanayaasha maanta ka soo qabtay degmada Bur-saalax kadibna waxay ku soo xireen saldhiga Gaalkacyo.

Taliyaha oo soo qabashada kadib saxaafada kula hadlaayay taliska booliiska Gaalkacyo ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay qoyska Ganacaadaha la dilay kadibna  wuxuu u mahadceliyay GudoomiyahaMaamulka Degmada Buur Saalax, taliyahooda booliiska iyo shacabka dhamaantood.

“Reer Buue Saalax waxaan uga mahadcelinayaa shacab,booliis ilaa maamul gacanta ay ka gaysteen soo qabaahada eedeysanayaasha”ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug Maxamuud C/Xakiin Yuusuf.

Taliyaha wuxuu tilmaanay in eedeysanayasha maxkamad la soo taagi doono si hadii danbiga loogu cadeeyo loogu ciqaabo xukunka ay xaqa u leeyihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Reer Gaalkacyo oo markooda cududoda soo bandhigay
Next articleSAWIRRO: Sirdoonka Qaranka oo fashiliyay qarax lagu soo qariyay Boorso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here