Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa soo Bandhigay Nin ay sheegeen in uu hoggaaminayay weerar loo adeegsaday Gantaallo Macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal galiyo Shacabka Magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Al-Shabaab waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Advertisement

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii hogaaminayay raggii weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule waxaana la horgeyn doonaa Maxkamada ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali laridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto Ninkii la soo qabtay.

Previous article𝐖𝐀𝐑 𝐃𝐄𝐆-𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇: Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ogolaaday in la xabsiga la dhigo xubnaha kala ah:
Next articleShariif Sheekh Axmed β€œDagaallada Sokeeya iyo dhiigga daadanaya waxaa aasaas u ah dulmi iyo caddaalad darrada dhaxdeena ka jira.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here