Nayirobi (dayniiile.com)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Magaalada Nayroobi ayaa kulan uu halkaasi kaga qeybgalay wuxuu ka hadlay Xaalada dalka gaar ahaan dagaalada ay hogaamineyso Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ayaa ugu baaqay dalalka dariska la ah Soomaaliya inay si degdeg ah garab ku ugu siiyaan sidii ay isaga saari lahaayeen Alshabaab.

Advertisement

“waxaan codsaneynaa inaad naga caawisaan sidii aan isaga dejin lahayn culeyska naga heysta dhanka kooxda Alshabaab”ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen

Sidoo kale wuxuu sheegay Lafta-gareen in Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed uu yahay kan ugu baaxada weyn ugu dadka badan marka la eego maamulada kale .

“Dad iyo duunyo iyo deegan waan heysanaa laakiin cilada kaliya ee aan qabno ayaa inaan u baahanahay sidii Beesha Caalamka iyo Dalalka Kenya,Itoobiya iyo Jauuti nooga saacidi lahaayeen ciribtirka alshabaab”ayuu yiri Madaxweynaha koonfur Galbbeed

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No photo description available.

Previous articleBeelaha Ceyr, Xawaadle iyo Mursade oo u midoobay dagaalka Alshabaab.+Sawirro
Next articleMagaalada Kismaayo oo lagu gubay Kumaanaan Loor oo Raashin ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here