Jowhar (dayniiile.com)-Digiin ayaa mar kale loo jeediyay dadka ku dhaw biya mareenada wabiyada xili laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu fatahaad sameeyo.
Cabsi wen ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan deegaanada uu maro wabiga Sabelle ee Soomaaliya markii digniin ay ka timid dhanka Itoobiya.
Roobab waa weyn ayaa laga soo sheegay inay ka da’een dhulka Itoobiya islamarkaana ay biyo si xoggan u socda ay keeneen buuraha kuwaasoo buux dhafiyay wabiyada.
Deegaanada uu maro wabiga shabelle ee Soomaaliya ayaa aad loogu cabsi qabaa inuu wabigu ku fataho, waxaana mar kale loo digay dadka ku dhaw wabiyada.
Dhawaan wabiga shabelle gaar ahaan Baladeyne waxaa lagu xirey qalab casi ah oo lagu gaanayo dhaq dhaqaaqa wabiga iyo haduu fatahad soo wado waxaana lagu wadaa in masuuliyiinta Baladweyne laga helo digniino hadii qalabkaasi wax sheego.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM