MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Somalia ayaa maanta xirey suuqa labad ee ugu weyn Somalia ee suuq-bacaad.

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay lacag dheeraad ah dul dhigeen ganacsiga,ayna diideen taasoo keentay in askartu sidaas ku xiraan ganacsiga lacagta darteed.

Advertisement

Muuqaalo laga duubay xiisada suuqa ka taagan ayaa muujinaysa dadka oo kala cararya iyo goobihii ganacsi oo albaabada loo laabay.

Sidoo kale isla maanta ciidamadaan oo ah kuwa canshuuraha ayaa tagay suuqa bakaraha oo maalmo ka hor sidaan oo kale ay u xireen.

Ganacsatada suuq bacaad iyo kuwa bakaaraha ayaa dalbaday in masuuliyiinta rugta ganacsiga ay soo dhex galaan xiisadaan kala dhexeysa Dowlada madaama ay canshuurtii la isku ogaa si nadiif ah ah u dhiibaan.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM.

Previous articleTaliyaha Ciidamada Milatariga oo u Hambalyeeyay Ciidamada Badda Somalia
Next articleMuqdisho oo markii ugu horeysay laga furey Xarun lagu baranayo diyaarad wadida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here