Ciidanka Boliiska Ilaalada Xeebaha ayaa badda Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ka soo badbaadiyay 2 dhalinyaro ah oo baddau qaadday.
Dhallinyarada oo baddu ka qaaday agagaarka Akademiyada Boliiska ee General Kaahiye ayaa la soo badbaadiyey markii ay si degdeg ah uga howl galeen doomaha dheereeya ee Boliisku, waxaana lagu wareejiyay ehelkooda.
Intii howlgalka Badbaadintu socday, ayeey Ciidanku la kulmeen meydka qof marxuum ah oo badda dul sabeynaya, kaas oo ay baddu horay u qaadday. Isna Saldhiga Boliiska Degmada Xamar Jajab iyo Isbitaalka Madiina, ayaa wada baadi goobka ehelkiisa.
XIGASHO WARBAHINTA DOWLADA.

