Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa dowladda & shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xubinnimada Ururka iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.
Ra’isul Wasaarihii hore ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in xilligii ugu haboonaa ay ku soo aadey Xubinnimadaan, isbedel weynna uu ku imaan doono isku socodka dadka & badeecadaha guud ahaan gobolka, sidoo kolana uu kobci doono dhaqaalaha Dalkeena.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo ka qeyb galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa hambalyo u diray Shacabka iyo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Museveni, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud taas oo ku aaddan ku biirista Soomaaliya Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Africa.
=Warbaahinta qaranka=
May be an image of 1 person and text that says 'JMKRK Waxaan ugu hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku biirista Ururka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Waxay horseedi doontaa isbeddel weyn oo ku yimaada isu socodka dadkeena iyo badeecadaheena guud ahaan gobolka. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka. SNTV SNV TELEFISHINK TELEFISHINIKAGARAKA'May be an image of 1 person and text that says "L JUMUIAMAFRIKAM Waxaan ugu nambalyeynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku biirista Urur goboleedka EAC oo ay Soomaaliya ka noqotay xubintii sideedaad. YOWERI MUSEVENI Madaxweynaha Dalka Uganda SNV TEEG"
Previous articleXiisad dagaal Beeleed oo Saaka ka taagan Gal-gaduduud
Next articleMadaxweyne Xasan oo si rasmi ah u furey Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here