AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Shacabka ku dhaqan duleedka Magaalada Afgooye sida Baqdaad iyo Alifoow ee Gobolka Shabeelaha hoose  ayaa ka sheegay in duqeymihii diyaaradaha Mareykanka ay xasuuqeen dad rayid ah.

Dadka u hadlay deegaanadaasi ayaa shaaca ka qaaday in meydka dadka la qaadi karin isla markaana la kala garan la’yahay.

Advertisement

Dhaawacyada liita ayay sidoo kale shegeen inay u qaadeen dhanka Magaalada Muqdisho madaama Afgooye wax looga qaban karin.

Dowlada Somalia ayaa saacado ka hor warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in 30 Alshabaab ah lagu dilay duleedka Afgooye sida Baqdad.

Shacabka waxay sheegayaan inay yihiin beera-leey islamarkaana dhibaatadu iyaga ku dhacday .

Hadaba halkaan hoose ka daawo cabashada shacabka Baqdaad:-

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada oo lacag kiro ah ku amartay shacabka degan Xaafada xero Kaluun
Next articleMuxuu ahaa ujeedka kulanka Nairobi ee Hantidhowrka Somalia iyo Sweden+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here