Muqdisho (dayniiile.com)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heysto nin ku eedeysan Alshbaab-nimo,dilka 4-ruux iyo dhaawaca sarkaal Dowlada ka tirsan.

Afarta ruux ayaa dhamaantood u geeriyooday qarax miinoย  uu dhigay eedeysanaha sida Maxkamadu sheegtay,Qaraxa waxaa la sheegay inuu u aasay gaari Cabdi-bille ah kaasoo uu watay sarkaal Dowlada ka tirsan.

Advertisement

Ninkaan Alshbaab-nimada iyo dilkaba ku eedeysanย  oo magaciisa lagu sheegay Yuuqoow Caliyow Xaaji ayaa bartilmaameedkiisu ahaa Sarkaalka oo dhaawacan balse qaraxa ayaa galaaftay 4 ruux oo saarnaa Moto Bajaj kuwaasoo kala ahaa darawalka iyo sedex isku qoys ahaa sida hooyo iyo laba wiil ay dhashay.

Sidoo kale waxaa iyadana maxkamda la soo taagay Hooyo Soomaaliyeed oo loo heysto inay gabaad siisay ninka Alshbaaabka ah.

Si kastaba Maxmada ayaa la soo xirey wuxuuna gudoomiyuhu sheegay inuu dib ka soo saari doono go’aankiisa dacwadaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

0

Previous articleDadka ku geeriyooday deegaanada Jubaland oo sii kordhay
Next articleAjaanib ka tirsan Kooxda Daacish oo lagu qabtay puntlandย 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here