Deegaanka Jicibow ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal aad u xooggan oo socday saacado badan kaasoo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Macawisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Alshaaab.
Labada dhinac waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba inay is gaarsiiyeen iyadoo Sarkaal Dowlada u hadlay uu sheegtay guulo.
Dagaalkaan ayaa salka ku haya gacan ku heynta deegaankaan taasoo adkeysay dagaalka islamarkaana keentay inuu socdo ku dhawaad 7 saacadood.
Taliyaha ciidanada Xoogga qeybta 27-aad ayaa saxaafada u sheegay inay deegaanka Jicibow ka saareen Alshababa kadib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay.
Mar uu ka hadlaayay khasaaraha dhankooda ayuu sheegay in 3 ay ka dhimatay halka afar kalana ay dhaawacmeen.
Taliyaha wuxuu xusay dhulku yahay dhoobeey islamarkaana roob uu da’ay taasoo yareyn karta dhaq dhaqaaqyada dhanka gaadiidka iyo dadkaba.
Ma jirto warar madax banaan oo laga helaayo dagaalkaasi marka la eego khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleSaciid Dani oo xaaladu ku xuntahay iyo digniin kaga timid kumaandooska Puntland
Next articleRa’iisulwasaare Xamze muxuu kala hadlay Danjiraha Maleysiya+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here