Gaza (dayniiile.com)-waxaa soo baxaya warar horu dhac ah oo laga helayo damaca reer galbeedka ay ka leeyihiin taageerada indha la’aanta ah ee ay siinayaan Israa’iil si ay u qabsato Gaza.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hada la ogaaday in hal ujeedo laga leeyahay dagaalkii Ciraaq uu ku qaaday Mareykanka iyo kan Israa’iil ay ku qaaday Gaza kuwaasoo dhamaantood hada la ogaaday inay isku ujeedo yihiin waana kaaliya boobka hantida Muslimiinta.

Advertisement

Waqooyiga Gaza iyo Badda Gaza waxaa horaba loo sheegay inay ku jiraan kheyraad gaas dabiici ah iyadoo sanadihii  1999-2000 laga helay dhulka Gaza Ceelal shidaal waana sababta kaliya ee hada Yuhuudu bartilmaamedkooda koowaad uga dhigteen duqeynta iyo barakicinta shacabka ku dhaqan Waqooyiga Gaza.

Ceelasha Shidaal ee Gaza laga helay waxaa lagu sheegaa ilaa sedex ceel oo waqooyiga Gaza ah iyo mid Badaha gunteeda isla Gaza ah waana sababta Maraakiibta Mareynku hadey soo dhaqaqaanba u soo istaagaan ada Gaz.

Bilanis fuustooyin ah ayaa ku jira ceelashadaani waxaana laga faa’iidi karaa tiriiliya lacag ah ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hore Yuhuudu isugu dayeen inay qabsadaan ceelasha shidaal balse ay dib uga soo baxeen.

Qorshaha hada waxaa wada Mareykanka oo dunidana isaga dhigaya inuu ka naxayo shacabka Gaza balse xaqiiqada ah ayaa ah in shacabka Gaza la rabo in la nacsiiyo dhulka Gaza ee kheyraadku ka buuxo si ay u aadaan ugu yaraan dhanka daanta galbeed kadibna hantidooda hortooda lagu boobo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQarax Ciidamada xasilinta lagula eegtay Deegeenka Ceelasha biyaha
Next articleTaliyaha ATMIS oo booqday saldhiga Degmada Xawaadleey+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here