Baladweyne(dayniiile.com)- Allaha u wada naxariistee waxaa Caawa lagu dilay Magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraaan Laba Ganacsato oo Rag iyo Dumar kala ahaa, waxaana lagu kala dilay Qoraxsin iyo Bari.

Advertisement

Ninka Ganacsadaha oo lagu magacaabi jirey Xuseen Xaaji Daahir  waxaa fiidkii hore lagu dilay qoraxsinka Baladweybe xili uu markaas ka soo baxay kaliga Waraaboolle oo uu maalmahaan danbe dhisme ka waday .

Haweeneyda oo caan ka ahayd Baladweyne waxay iibin jirtay Qaadka waxaana lagu magacaabi jirey Caasho Uunsile iyadana waxaa lagu dilay Bariga Baldweyne meel ku dhaw halkii maalin hore qaraxu ka dhacay ee xaafada Nuur-Xawaad abaare 10-ka Pm   ama 4 saac haabeenimo waqti u dhawaa.

Wali ma cada kooxaha hubeysan ee caawa dilalka gaystay halka ay ka tirsan yihiin iyo sababta dilka u gaysteen intaba.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxa Atmis iyo Safiirka Itoobiya oo Maanta Muqdisho ku kulmay+Sawirro
Next articleMilatariga Soomaaliya oo saaka duqeymo ka gaystay deegaanka Shabeelloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here