Muqdisho (dayniiile.com)-Kooxo hubeysan ayaa  la sheegay inay Xalay ku dileen Xaafada Miriq Miriq ee Degmada Dayniile Magaalada Muqdisho nin caanka ahaa degmadaasi.

Ninka la dilay xalay  waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Shiilow Casir (Miriq Miriq) Rabi ha u naxariistee wuxuuna ahaa nin u asxaan fala shacabka,kana dhiciya burcad Mobile-lada habeenkii aruursata.

Advertisement

Xaafada lagu dilay ayaaba hore isaga loogu magac daray waxaana la dhahaa xaafada Miriq miriq isla goobtaasi ayana  ku dileen kooxo hubeysan xili uu la xarbinaayay, iskuna dayaayay inuu ka hor tago dhac ay ka gaysanayeen xaafadaasi

Ciidamada Amaanka Degmada Dayni.ile ayaa la sheegay inay soo qabteen laba ka mida burcadii dilkaasi fulisay sida uu mareegta dayniiile.com u sheegay mid ka mida dadka deegaankaasi u dhashay.

Burcadaan waxaa lagu wadaa in sharciga la hor keeno dhawaan islamarkaana laga gooyo dhibka ay gaysteen ee dilka ah.

Dilalka qorsheysan ayaa caadi ka ah Xaafadaha Xamar walow ay aad u yaraadeen mudooyinkaani danbe madaama dhanka amniga ay caasimadu soo hagaageyso.

XAFIISKA WARARKA|
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyaha Aqalka Sare oo Maanta qaabilay safiirka cusub ee midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya+SAWIRRO
Next articleDooni u raran Soomaali oo lagu afduubay xeebaha Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here