Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo kaanbeynka musharixiinta isku haya xilka Gudoomiyaha Golaha wakiilada ama baarlamaanka Puntland.

Sedex musharax ayaa isku haya xilka kuwaasoo mid kastaa doonayo inuu ku guuleysto waxaana kow ka ah Gudoomiyihii hada waqtigu ka dhacay ee afarta sano soo hogaaminayay C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Advertisement

Sidoo kale labada musharax kale ayaa kala ah C/irisaaq Axmed Siciid oo hore u soo noqday Guddoomiyihii Guddigii KMG ahaa Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Mursal Maxamuud Cabdi oo hada ah Guddoomiye ku xigeenka Dallada ay ku midaysan yihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka ee Puntland waxaa loo balansan yahay berito oo khamiis ah taariikhduna tahay 4-ta Janaayo 2024. hadaba la arki doonee masuulka noqon doona Hogaamiyaha Baarlamanka Puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleBanaan-bax looga soo horjeedo damaca Itoobiya oo Saaka Muqdisho ka dhacay+Sawirro
Next articleItoobiya oo mar kale shaatiga IGAD ku dulmisay Qaranimada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here