ADIS ABABA (DAYNIIILE.COM)-Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD, ahna wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa war uu soo saaray maanta wuxuu ku sheegay in IGAD walaac ka muujineyso xiriirka sii xumaanaya ee Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wuxuu qariyay oo uusan soo hadal qaadinba qaladka weyn ee Dowlada Itoobiya ay ku dhaqaaqday markii ay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib markii ay heshiis badeed la gashay Maamul Goboleed si ay hantida Soomaaliya u boobto,

Advertisement

Masuulkaan Itoobiyaanka ah oo shaatiga IGAD xiran wuxuu ugu baaqay labada dowladood inay wada hadlaan taas oo macnaheedu yahay gor gortan galinta Hantida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu ku ugu baaqay Somalia iyo Itoobiya isagoo iska dhigaya nin afka IGAD ku hadlaya  in xaalada la dejiyo islamarkaana la xaliyo waxa la isku hayo.

“waa inay isku kaalmeeyaan sidii xaalada is afgarad loogu dhameyn lahaa iyadoo la ilaalinayo Urur Goboleedka IGAD ee laga wada tirsan yahay”ayuu yiri oghayaha fulinta urur goboleedka IGAD, ahna wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Meet Workneh Gebeyehu Negewo

Previous articleSedex Musharax oo isku haya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland
Next articleDowlada Somalia oo goor dhaw ka jawaabtay hadal ka soo yeeray masuul IGAD ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here