Kismaayo (dayniiile.com)-Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa la soo sheegayaa in lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay Dalka Dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juballand Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa heshiis kula galay shirkada Imaaraadka inay maamulaan Dekada.
Heshiska oo durba fulinttiisa ay bilaabatay ayaa la eryay dhamaan muruq-maalki dekada ka xamaalan jirey kuwaasoo lagu war geliyay inaysan imaan karin dekada islamarkaana shaqadoodii laga maarmay.

Wiishash Shirkadu leedahay ayaa hada kadib ka howlgeli doona Dekada iyadoo sidaaas oo kalana shirkada laga rabo inay dekada hormariso.

Kooxda Muruq-maalka ayaa durba cabasho ka timid xili iyagoo boqolaal ah ay noloshooda ka maaren jireen Dekada.

Dekada Xamar ayaa sidaan oo kale xiligii hore ee Xasan Sheekh looga eryay xamaaligii markii shirkad Turkiga laga leeyahay ay la wareegtay Dekada Xamar.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleMadaxweyne Xasan oo goor dhaw Xariga ka jaraya wado loogu magac daray Cali Mahdi
Next articleMadaxweyne Xasan oo Xariga ka jaray wado loogu magac daray Cali Mahdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here