Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax oo kamid ah siyaasiyiinta xilligaan sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha arrimo dhowr ah oo ku saabsan degaannada Puntland.

Siyaasi guuleed oo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne deni in uu wato qorsho uu ku doonayo in uu ku sameysto muddo kororsi taasina aysan u socon doonin.

Advertisement

Wuxuu sheegay in dhaqaalihii dowlad Goboleedka Puntland uu ku bixiyay dhinaca Federaalka oo uu xil kaga doontay, balse markii uu kasoo waayay uu ku bixinayo inta soo hartay in uu muddo kororsi ku sameysto.

Si kastaba siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda habka hoggaaminta Madaxweynaha Puntland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku cel celinayay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu doonayo muddo kororsi, taas oo keentay in dagaal uu ka dhaco Magaalada garoowe.

Previous articleWararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degaanka daaru-nicma iyo faah faahin laga helay
Next articleCabduweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo tagaya Garoowe & ujeedka safarkooda oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here