Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida ku ganacsata Dalka Koofur Afrika kuwaas oo marar kala duwan la kulmay weerarro uga yimid kooxo burcad ah.
La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka Xiriirka Caalamiga ah & Isku duwaha Barnaamijyada Naadir Cige oo la kulmay Soomaalida ku nool Koofur Afrika lana qaatay kulan xog-warreysi ah ayaa dhageystay cabashooyinka ay qabaan.
Waxa ay u gudbiyeen fariimahooda si uu u gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si Dowladdiisa ay ula hadasho Koofur Afrika waxna laga qabto waxyaabahaas ay ka cabanayaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa rejo ka muujiyay in wax laga qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan, waxa ay sheegeen in hanti badan ay ka taallo dalkaas balse ay u baahan yihiin in ay helaan waxyaabaha ay ka cabanayaan.
La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka Xiriirka Caalamiga ah & Isku duwaha Barnaamijyada Naadir Cige ayaa bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika, waxa uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan dulqaadka ay ku shaqeysanayaan.
Koofur Afrika waxaa lagu beegsadaa Ajaanibta ku ganacsatada Dalkaas oo Soomaalidu ay qayb ka tahay, tiro Muwaadiniin ah ayaa lagu dilay Waddankaan, qaar waala dhaawacay, kuwo ayaa lixaadkooda ku waayay halka qaar kale la boobay ama la gubay goobahooda Ganacsi.