Muqdisho (dayniiile.com)-Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliya ayaa Bam Gacmeed wuxuu ku dhuftay Maqaaxi ku taal nawaaxiga isgoyska taribuuna ee Magaalada Muqdisho halkaas uu rabay inuu baad wax uga cuno balse laga diiday sida ay sheegtay haweeneyda leh maqaaxida.

Mikiilaha maqaaxida ayaa u sheegtay  TV-ga shabelle in askarigaasi bam-kii uu tuuray ay ku dhaawacmeen sedex ruux oo uu ku jiro cunug saqiir ah oo ay ayeeyo u tahay.

Advertisement

Waxay ka dalbatay Dowlada in cadaalad la siiyo madaama askarigaas oo magaciisa ay ku sheegtay C/laahi Axmed Yuusuf Raage uu dhaawacay sedex ruux shacab ah.

“maqaaxida ayuu iigu yimid wuxuu igu yiri qado i sii waxaan ku iri lacagta ii hor mari kadibna ka fiirso mobile-kaada uu isii lahaa iyo bam-ka way is xigeen qaraxii baan ka war helay mana jirto cid markiiba qabatay wuxuuna toos u galay Isbitaalka Xoogga xaqeena hanalaga siiyo”ayay tiri maamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleMadaxweyne Saciid Dani oo Maanta magacaabay laba xil
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka soo guuray Dhuusa-mareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here