Dhul-gariir  cabbirkiisu yahay 5.2 magnitude ayaa la sheegay inuu ka dhacay Dalka Jabuuti,waxaana laga dareemay guud ahaan Dalka oo dhan.

Dhul gariikaan ayaa dhacay saaka xiligii Salaada Subax,mana jirto wax dhibaato weyn uu geystay iyo waliba bur bur ku yimid guryaha.

Advertisement

Guud ahaan ardeyda Dugsiyada Dalka Jabuuti ayaa la fasaxay Saaka sida ay sheegtay Wasaarada waxbarashada Jabuuti.

Madaxda sare ee Dalka wali kama hadlin dhul gariirkaan inkastoo uusan ahayn mid cabirkiisu sareeyo islamarkaana uusa wax dhibaato ah geysan.

sanadkii 2008 ayay ahad markii ugu danbeysay oo Jabuuti uu ka dhacay dhul gariir walow uu ka yara hooseeyay kan saaka dhacay wuxuuna ahaa 5 halka taariikhda kii ugu cabir sareeyay dalka Jabuuti uu ahaa 6.2.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAjanabi Daacish ah oo lagu qabtay Puntland
Next articleDuqa Muqdisho oo booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here