May be an image of 6 people
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa weerar fulaynimo ah ku qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii weerarka Nafla-caarinimada ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka shabeellada hoosse .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/ gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida uxaqiijiyay in weerarka ay Khawaarijta soo qaadeen lagu gaarsiiyay jab xooggan maadaama Ciidanka ay udiyaarsanaayeen fashilinta damaca Argagixisada.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomalaiyeed ayaa xaqiijiyay in khaasaaraha gaaray cadwga khawaarijta uu yahay mid tira beel ah dhawaana la wado soo bandhigidda qasaaraha rasmiga ah ee gaaray cadwaga khawaarijta ee u nool dhibaataynta shacabjka soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Khawaarijtii gabbaad-saneysay ka saaray deegaanada dhinaca Xeebta dhaca ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka soo maleegi jireen dhagarta Shacabka Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan Shabeellaha Hoose.
=XIGASHO RAADIYAHA CIIDAMADA DOWLADA=
Previous articleFaafaahin ka soo baxday halka la geeyay burcad-badeed ay dhowaan ciidamada Hindiya ka qabteen xeebaha Soomaaliya
Next articleDuqa Muqdisho oo la caawa la afuray shacabka iyo Maamulka Kaaraan+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here