=XIGASHO BBC SOMALI=

Hindiya

Advertisement

Dowladda Hindiya ayaa magaalada Mumbai gaysay 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah, maalmo ka dib markii ciidamadeeda baddu ay howlgal ay ku furteen shaqaalihii iyo markabkii MV Ruen ka fuliyeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.

Afduubkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday markabka MV Ruen ee uu ka dul babbanayay calanka Malta ayaa ahayd markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii oo lagu guulaysto in markab nooca xamuulka ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida laga soo furto.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in howlgalku “uu taageeray mabaadii’da sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta bad-qabka iyo amniga badda ee gobolka”.

Raggan ayaa la filayaa in loo gudbiyo xabsiga galinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya, Vivek Madhwal, ayaa sheegay in asbuucan ay tahay markii ugu horreysay muddo toban sano ka badan oo ragga lagu qabto badda la geeyey xeebaha Hindiya si loogu maxkamadeeyo burcad badeednimo.

Sida uu qabo sharciga Hindiya ee ka hortagga burcad-badeedda, raggan ayaa wajahaya xukun dil ah haddii lagu helo fal dil ah ama isku day dil, iyo xabsi daa’im oo burcad badeednimo ah oo keliya.

Tan ayaa timi ka dib howlgal qaatay in ka badan afartan saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey markabka dagaal oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twitter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada burcad baddeedda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay soddon iyo shan nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.

Wasiirka xilka ka dagaya ee dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yasiin Saalax ayaa BBC-da u sheegay in howlgalkaasi uu u quus gooyey cid walba oo damac kaga jiray sida uu hadalka u dhigay dib u soo nooleeynta falalkii burcad baddeeda.

“Waxaa hadda dhamaantood lagu hayaa Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Hindiya, markabkii ayaa waxyeelo ka gaartay dhanka qolka laga hago ka dib rasaastii ay muddada dheerayd is dhaafsanayeen burcadda iyo ciidamada Hinidya, isagana hadda waxaan xogta aan helnay sheegeysaa in farsamayaqaano ka howlgali doonaan, sida ugu dhaqsaha badana uu sii wadan doono safarkiisa” ayuu yiri wasiir Axmed.

Puntland ayaa sidoo kale doonaysay in raggan burcad baddeeda ah loo gacan galiyo si ay ciqaabta sharci ugu maraan gudaha deeganadaasi sida uu BBCda u sheegay Axmed Yaasiin Saalax.

Muxuu ahaa markabka MV Ruen?

Hindiya

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhamadkii sanadkii 2023-kii.

Xilligii burcad baddeedu afduubayeen markabka waxaa dhaawac gaaray mid ka mida ahaa shaqaalaha markabka saarnaa, kaas oo markii danbe ay burcadu ogolaadeen ina laga dajiyo ayna ku wareejiyeen markab dagaal oo Spain laga leeyahay oo ku sugan xeebaha Soomaaliya

Milkiilaha markabka Bulgaariya Navibulgar ayaa badbaadinta markabka ee ay fuliyen ciidamada badda ee Hindiya ku tilmaamay “guul weyn”.

Burcad baddeed kale ayaa hadda gacanta ku haya Markab kale oo lagu magacaabo MV Abdullah uuna ka dul babanayo calanka dalka Bangaladesh.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaan qayb ka ahayn howlgalka caalamiga ee Atlanta,balse ka mida dowladaha joogitaanka ciidan ka joogaan xeebaha Soomaaliya.

Hindiya waxaa muddo dheer ku xirnaa ilaa boqol iyo labaatan rag oo burcad baddeednimo loo haystay, labo ka mid oo geeriyooday marka laga reebo.

Hindiya ayaa ku wareejisay dowlada Soomaaliya sida uu BBC-da u sheegay agaasimihii hore ee La dagaallanka Burcad-baddeeda Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Diir Ducaysane.

=XIGASHO BBC SOMALIA=

Previous articleGudoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Malaaq Cali Cabdiraxmaan Cali Shiin
Next articleDowlada oo war ka soo saartay dagaal alshabab ay kula galeen deegaano dhaca xeebaha Gobolka Sh.hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here