Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uu ku geeriyooday Allah u naxariistee Marxuum Malaaq Cali Cabdiraxmaan Cali Shiin.

Guddoomiyaha ayaa Malaaqa ku tilmaamay inuu ahaa oday dhaqameed bulshada ka soo gudbiyay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray, waxaana uu xusay inuu door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada dalka, ka shaqeynta dib u heshiisinta, iyo hirgelinta geedi socodka nabada. Waxaana uu Eebbe weyne uga baryay inuu naxriistiisa Janno kawaraabiyo, ehelka iyo qoyskana uu ka siiyo samir iyo iimaan.
May be an image of 1 person and text
Previous articleShir Garowe uga furmay Saciid Dani,Shariif iyo Farmaajo+SAWIRRO
Next articleFaafaahin ka soo baxday halka la geeyay burcad-badeed ay dhowaan ciidamada Hindiya ka qabteen xeebaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here