War qoraala oo ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia ayaa looga hadlay Dagaalkii cuslaa ee Saaka ku dhexmaray Deegaanka Caad Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab.

Qoraalka ayaa sidaan u dhignaa:-

Advertisement

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta.

Saraakiil ka tirsan Dawladda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan Cadowga Khawaarijta lagu sii baacsanayo bannaanka magaalada laguna daba joogo firxadkooda.

Ciidanka Dawladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa horay si buuxda ula wareegay magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka Mudug kuwaas oo ay ku jirto magaalada Caad.

Previous articleCiidamo NISA ka tirsan oo loo diyaariyay Shirka Baarlamaanka oo Maanta Xiisad gaara xanbaarsan
Next articleDAAWO: Nin Somaliland ah oo aaminsan in wiil ka dhintay ay soo nooleeyeen isbitaal Hargeysa ku yaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here