Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay Talo ku aadan sidii looga bixi lahaa Nidaamlka 4.5 oo 25 sano ee la soo dhaafay Qal qal galiyay Umada Soomaaliyeed, taasi oo ay muuqato in Somali dhibsadeen 4.5.

Advertisement

Baadiyow  ayaa sheegay in Soomaaliya laga hirgeliyaa nidaamka ku haboon ee doorasho 1Q1C.

“ Waa inuu noqdaa mid heshiis lagu yahay oo daahfuran. Haddii la isku dayo in la sameeyo dimoqaraadiyad muqaal been ah leh, natiijadeedu waa fashil iyo cawaaqib xumo. Casharkaas waa kii 1969 iyo 1991”ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya

 

1/2/  1969  “ waxaa la boobay doorashadii, waxaa loo bixiyay “vote-khasaare”. Waxaa ka dhashay dilkii MW Cabdirashid iyo inqilaabkii ciidanka. Markii la caburiyay dimoqaraadiyadda oo doorasho hal xisbi ah la sameeyay, dalka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, qarankii waa la dumiyay 1991” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dimoqaraadiyad been ah oo boob ku dhisan iyo caburinta dimoqaraadiyadda,  ay isticmaaleen madaxdii markaas dalka ka talinaysay. Waxaan xasuusinayaa madaxda maanta inay casharkaas si fiican uga faa’idaystaan oo aynaan noqon ma gudbayaal. Xalku waa doorasho 1Q1C oo sax loo maamulo!

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Qabiirada Somaliya xiligaan jooga, waxa uuna marar badan ku baaqay in laga gudbo oo la daaweeyo Kansarka Somaliya  ku dhacay oo ah qabyaalad iyo waxa loogu yeero 4.5 oo uu sheegay in ay ku adeegtaan Siyaasiyiinta Xiligaas jooga Dalka.

Abdihakim Elmi Hassan

Office Nairobi

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tell-0711830393

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here