Aqoon-Isweydaarsigii ugu horeeyey  ee ay qabsadaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland ayaa ka dhacay Magaalada Helsinki.

Dhaqaatiir Soomaali ah oo boqol ka badan ayaa ka qeyb galay aqoon isweydaarsigan kuwaasoo intooda badan ka kala yimid Magaalooyinka dalkaas, waxaana soo qaban qaabiyey ururka dhaqaatiirta Soomaalida ee dalka Finland “Suomen Somalilääkärien yhdistyksen” (SSLY).

Advertisement

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaalida Finland ayaa aqoon isweydaarsigan ku soo bandhigay Casharo iyo Cilmi baarisyo kala duwan oo la xiriira arrimaha Caafimaadka iyo fayo dhowrka guud ee bulshada.

Prof.Dr. Ahmed Yusuf Guled oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho hase ahaatee safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa aqoon isweydaarsiga ka hadlay isagoo ka warbixiyey mowduuc la xiriiray Xaaladaha Caafimaad ee ee ka jira Somalia. (Terveydanhuollon tilanne Somaliassa)

Waxaa uu diirada ku saaray warbixintiisa horumarka Sanadihii ugu dambeeyey laga gaaray sare u qaadida adeegyada Caafimaadka dalka iyo baahiyaha weli jira.

“Waxaa dalka ka abuurmay Isbitaalo badan iyo  xarumo Caafimaad oo inta badan gaar loo leeyahay, kuwaasoo qaarkood  ku shaqeeya qalab casri ah oo markii hore dibeda loo aadi jiray, sidoo kale  Jaamacadaha dalka oo ay ugu horeyso Jaamacada Benadir waxay sanad walba soo saaraan kumanaan dhaqaatiir ah oo taqasusyo kala duwan leh” ayuu yiri Prof. Guled oo xusay in mar kasta oo xasiloonida dalka ay sii hagaagto uu xoogaysanayo horumarka iyo maalgashiga ka jira dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Prof. Guled waxaa uu xusay in inkastoo horumar fiican laga gaaray adeegyada Caafimaadka ay hadana weli jiraan baahiyo badan, duruufo iyo caqabado taagan oo ay tahay in xal loo helo, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey dhaqaatiirta Soomaalida Finland ee soo qaban qaabiyey aqoon isweydaarsigan.

“Waxaan ku  faraxsanahay inaan fursad u helay inaan  ka qayb qaato aqoon  isweydaarsigii ugu horeeyay ee Dhaqaatiirta Soomaalida Finland qabsadaan oo ka dhacay  magaalada Helsinki. Waxaan u hambalyeynayaa guddigii isku soo dabariday barnaamijkan qiimaha leh. Waxaan sidoo kale rajeynayaa inuu noqdo barnaamij sii socda Sanad walba” ayuu yiri Dr. Guled.

Prof.Dr. Ahmed Yusuf Guled waa asaasaha & agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Benadir ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale uu wax ka aasaasay.

Wuxuu haatan booqasho gaaban ku joogaa dalka Finland oo uu horey uga soo shaqeeyey sanado badan, Waxbarashadiisa qeyb ka mid ahna ku soo qaatay. waana dhaqtar ku taqasusay daweynta cudurada gudaha iyo Sambabada (Consultant Internal Medicine & Pulmonology).

Finland ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee Soomaalida kala firxatay lagu soo dhoweeyey ka dib burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka curtay wixii ka dambeeyey sanadkii 1990kii xiligaasoo ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka ka jirtay.

Soomaalida ku nool Finland ayaa lagu qiyaasaa 25 illaa 30 kun, kuwaasoo ay ku jiraan, ganacsato dalkaas ku leh ganacsiyo kala duwan, Ingineero, Dhaqaatiir iyo siyaasiyiin qeyb ka noqday goleyaasha degaanka magaaloyinka dalkaas, waxayna ka mid yihiin  Jaaliyadaha ugu saameynta badan ee ku nool dalkaas.

Previous articleSAWIRRO: Falastiiniyiinta oo saf ugu jira raashin karsan.
Next articleWasiirka Howlaha guud muxuu kala hadlay dhigiisa Tunusia +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here