DOHA, 12, December, 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan safar shaqo ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta booqday safaarada Dowladda JFS ku lee dahay dalka Qatar halkaas oo uu kula kulmay Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ah safiirka cusub oo ay Dowladda Soomaaliya dhawaan usoo magacaawday dalka Qatar.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ugu horeyn Ambassador Doodisho ugu hambalyeeyay mas’uuliyada culus ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo howlaha culus ee horyaalo.
Ugu dambeyn Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaarada oo ah goob loogu qidmeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalkan.
DHAMAAD.
May be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 4 people and the Oval Office
Previous articleKooxihii dilay labada nin ee isla dhashay oo la soo qabtay
Next articleDAAWO VIDEO: Madaxweyne Qoor-Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here