MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Khilaafkii u dhexeeyay shirkadaha diyaaradaha Soomaalida iyo Wasaarada Gaadiidka Iyo duulista hawada Dowlada Somalia ayaa sababay in maalintii labaad saaka la xanibay duulimaadyadii gudaha.

Garoonka diyaaradaha Adan Abdulle waxaa saaka mar kale  buux dhaafiyay  dadkii safarka u ahaa gobolada Dalka kuwaasoo shaqaalaha shirkaduhu si cad ugu sheegeen in dhanka Dowlada ay ka socoto xayiradaasi.

Advertisement

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ayaa dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha gudaha in dowladu ka rabto rakaabkiiba 9 doolar taasoo ay ka hor yimaadeen shirkadaha.

Wasaarada Gaadiidka ayaa dooneysa in lacagta la saaray ay shacabka sii saaraan taasina Dowladu ma ogola oo waxay rabtaa inaan tikidka aan wax lacag ah lagu kordhin.

Dhanka kale shalay xanibaad kadib dib baa laga fasaxay duulimaadyada shirkadaha sida Daallo oo dhamaan dadkii Nayroobi u socday way geyeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMiino Alshabaab aaseen oo la fashiliyay+SAWIRRO
Next articleHantidhowraha Guud oo  shir guddoomiyey kulan sanadeedka bah-wadaagta Caalamiga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here