Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay safarkii uu Xamar ku tagay Hogaamiyaha SSC Qaatumo.
Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuusan aqoonsaneyn maamul Laascaanood ka jira isagoona taa badalkeeda ku celceliyay in reer Laas-caanood yihiin beel ka mida beelaha Somaliland.
“marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana Ssc , waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay BBC-da laateeda Afka Soomaaliga
Mar wax laga weydiiyay qorshaha reer Somaliland kaga aadan Laascaanood ayuu si kulul kaga hadlay isagoo ku hanjabay inay dib usoo ceshan doonan maamulkoodii Magaalada Laascaanood.
“xoog ama wada hadal tii noo suurta-gashaba anaga waxaa naga go’an inaan sida ugu dhaqsiyaha badan usoo ceshano Magaalada Laascaanood”ayuu mar kale yiri Faysal Cali Waraabe
“haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee Laac-caanood kusoo duulay ma oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale” ayuu mar kale ka dhawaajiyay
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe wuxuu soo hadal qaaday mar uu Laascaanood tagay Madaxweyne xigeenka Puntland kaasoo shacabka la dabaal degay.
“xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku badasho iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”.ayuu yiri Faysa Cali Waraabe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM