Sida ay BBC-da sheegtay sideed Gabdhood oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday dadkii ka badbaaday dhul gariirkii xalay ka dhacay Dalka Morocco.

Gab-dhahaan oo ka kala yimid dalalka Australia, USA, Kenya iyo Soomaaliya ayaa iskala tirsanaa Koox kubada koleyga ah oo lagu magacaabo Gifts,  waxayna magaalada Marrakesh ee dalka Morocco kaga qayb gelayeen koobka Arab Basketball Club Champions.

Advertisement

“Xalay abaare 11-kii habeenimo  inagoo joogna xiligii jiifka ayaan mar qura dareenay dhul gariirka kaasoo marba marka ka danbeysay sii xoogeysanayay ilaa hoteelkii aan daganeyn oo ahaa dhisme aad u adag uu sida xaanshida noola ruxmay Alle ayaana naga bad baadiyay”ayay tiri Sucaado oo u warameysay BBC-da islamarkaana madax u ahayd Kooxda.

Sucaado oo ah madaxda ururka Somali Women Foundation waxay intaas ku dartay inay markii danbe hoteelka ka baxeen ayna tageen meel dhisme iyo geedo aan u dhaweyn.

Dhul gariirkaan ka dhacay Moroco ayaa khasaare badan gaytay iyadoo tira-koobkii u danbeeyay lagu sheegay in ugu yaraan Kun ruux ku dhinteen halka 600 ruuxna,sidoo kalana  wali baadi goobkuna socdo.

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo Muqdisho ku soo laabtay+SAWIRRO
Next articleDhaqtar aano qabiil loogu dilay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here