GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Koooxo hubeysan ayaa Saaka la sheegay inay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ku dileen  Ganacaade caan ka ah magaaladaasi.
Allaha u naxariistee Ganacsadaha ayaa lagu magacaabi jirey Axmed Tahliil Xaaji Aadan waxaana lagu dilay dhanka Puntland.
Wararka qaar ee ka soo baxaya sababta dilka ayaa sheegaya inay aano qabiil tahay balse maaha warar sugan.
Kooxihii dilka fuliyay waxaa la sheegay inay baxsadeen xili booliiskuna markaa kadib goobta soo gaareen.
Hay’adaha amniga Puntland ayaa wada baaritaano lagu ogaanayo cida fal danbiyeedka gaysatay iyo ujeedka laga lahaa intaba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleTaliyaha Booliiska oo shir gudoomiyay kulankii Amniga +SAWIRRO
Next articleLuga-toor oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka mashuurca Kobciye+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here