Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa saaka Maxknada Ciidamadu u fadhisaa dacwad loo heysto Abuukar Saalax Maxamed oo Gudoomiye ku xigeen ka soo noqday Degmooyinka  Xamarweyne iyo Hodan kaasoo loo heysto inuu Alshabaab ku biirey.

Masuulkaan oo fursad loo siiyay inuu is difaaco ayaa sheegay in Alshabaab uu mar ugu tagay kadib hanjabaadyo uga yimid  madaama uu yahay Ganacsade.sida uu sheegay.

Advertisement

“Aniga oo ka imid soona maraya Afgooye ayaa la ii sheegay in Alshabaab sawiradryda ku faafiyeen baraha bulshada kadibna anaa dowlada la xiriiray, hadii aan wax isku ogahay waan ka carari lahaa dhanka Dowlada”ayuu yiri

Xeer ilaaliyaha ayaa dhamaanba meesha ka saaray sheegashada eedeysanaha wuxuuna soo  bandhigay cod uu u direy Alshabaab isagoo dhahaya waan ka soo baxay Dowlada Ridada.

Hadaba faahfaahinta maxakamdeynta masuulkaani halkaan ka daawo muuqaal uu diyaariyay Tv-ga Qaranka.

 

Previous articleMareykanka oo mar kale diiday Xabad Joojinta Dagaalka Gaza
Next articleCali Jeyte “sida Ameerikaanku Dunida uga leeyahag saldhigyo Ciidan, Xawaadle waa inuu Hiiraan meelaha ka baxsan ka muuqdaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here