Waxaa baraha Bulshada si weyn u haystay bilihii u danbeeyay muuqaalo live ah oo laga soo tabinaayay Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasoo lagu maxkamadeynayay masuuliyiin Dowlada ka tirsan oo musuq maasuq loo haytay.
Waxaa la arkaayay abuukaate Dudaaye oo si weyn u difaacaya qaar ka mida agaasmayaasha wasaaradaha iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood loo haystay inay musuq maasuqeen hantida Dowlada Soomaaliya iyo awooda xilalka ay hayaan inataba.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay inay maxkamadu u baahan tahay cadeyma dheeraad ah si xukun loo rido isla markaana cadaalada loo ilaaliyo.
“ si loo helo Caddaalad waxaa loo baahanyahay caddeymo dheeri ah oo ku saabsan kiisaska muwaadiniintan la soo eedeeyay”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ahna Garsooraha guddiga dacwadda Musuq-maasuqa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM