MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dhacdo kale oo xanuunkeeda iyo yaabkeeda leh ayaa goor dhaw muqdisho ka dhacday kadib markii Haweeneey ay dishay ninkeeda oo askari ahaa.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Haweenydaasi wax hub ah isticmaalin balse xarig ayay ku ceejisay sida aflaanta laga daawado oo kale.

Advertisement

Allaha u naxariistee askariga la dilay oo reer tabareed ahaa ayaa xaaskiisa ku qabay oo la daganaa kaamka Bad-baado oo ku yaal Degmda Dharkeenleey gaar ahaan nawaaxiga isgoyska Ex kontorool afgooye.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay ku gaaday isagoo hurda kadibna ay xariga ku marjisay balse in badan uu isku dayay inuu is bad baadiyo waa u suurtagali weysay wuuna geeriyooday.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleShirkii Wasiirada oo maanta lagu ansixiyay 10 Safiir+Sawirro
Next articleDAAWO: Wasiirka Ciyaaraha oo fashiliyay tacadi ka dhici jirey VIP-da Stadium Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here