Muqdisho: 08 Febaraayo, 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

Advertisement

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so

Previous articleAxmed Ducaalle Xaaf oo ka soo hor jeestay qorshaha Dowlada ee reerkiisa looga saarayo dhulka Dowlada.
Next articleHaweeneey goor dhaw ninkeeda ku dishay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here