Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shir socday muddo labo maalin ah ugu qabatay Magaalada Kismaayo ilaa 21 sarkaal oo ka kala socday hay’addaha kawada shaqeeya xuduudka.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa in lagu dhiso guddiga isku xirka hay’adaha u xil-saaran maareynta bar-xuduudeedyada Dhoobley iyo Raaskambooni.

Advertisement

Guddigaan oo ka kala socda; Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Booliiska, iyo Hay’adda sirdoonka Qaranka ayaa waxa uu aas aas u noqonayaa in hay’adahan si wadajir ah uga howlgalaan xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la xoojinayo amniga xuduudadaha isla markaana la fududeenayo isku socodka dadka iyo ganacsiga , taas oo ka qayb qaadanaysa koboca dhaqaalaha dalka.

Previous articleArdey Macalinkiisa ku dilay Muqdisho
Next articleWarbixin Dastuurka ku saabsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here