Howlgal ka dhan ah Kooxda Alshabaab ayay ciidamada Milatariga Somalia iyo kuwa deegaanku waxay ka fuliyeen deegaano hoos taga Magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Taliyaha Ururka 260-aad ee Onkod Macalin Aadan iyo guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macalin Yuusuf ayaa horkacayay howlgalkaani.

Advertisement

Ciidamada ayaa weerar ku eekeeyay si gaar ah dhowr tuulo oo hoos taga Degmada Waajid halkaasoo ay doonayeen inay weeraro ka soo abaabulaan,balse iyagaa ayaa cagta la mariyay sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada.

Tuulo lagu magacaabo Dhurey oo ka mida meelaha bartilmaameedka u ahaa ciidamada ayaa la isku farsaaay waxaana gabi ahaanba ciidamadu burburiyeen fariisimihii Alshabaab halkaasi ku lahaayeen.

Iyadoo Howlgalka ka dhanka ah Alshabaab wajigiisa labaad uusan wali si rasmio ah uga bilaaban Koonfur-Galbeed iyo Juballan ayuu Gudoomiyaha Waajid u sheegay warbaahinta inay ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku diyaar u yihiin ka qeygalka howlgalkaasi oo dhawaan la filayo inuu si saf balaaran ah u bilowdo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleBooliiska Xamar oo soo xirey Haween jir dil u gaystay nin dhalinyaro ah
Next articleMadaxweyne Xigeenka Puntland oo weerar afka ah ku qaaday Saciid Dani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here