kulan ay shalay yeesheen Golaha Ammaanka ee QM ayay ku go,aamiyeen in sanad loogu daro joogitaanka Howlgalka Qaamada Midoobe ee Soomaaliya kaasoo loo soo gaabiyo UNSOM.

Dalalka Golaha maanka Qaramada Midoobe xubnaha ka ah ayaa isku raacay in 31-ka Oktobar ee sanadka 2024 la gaarsiyo joogitaanka howlgalka UNSOM si ay Dowlada Soomaaliya ula sii shaqeeyaan.

Advertisement

Shirka Qaramada Midoobe waxaa cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay  in qaraarka tirsigiisu yahay2705 lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024.

15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa  waxay ka codsanayaan UNSOM inay sii waddo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articlelaba qof kale oo aano qabiil loogu dilay Magaalada Matabaan
Next articleCiidamada ATMIS oo roondo ku sameeyay deegaano ka tirsan Hirshabelle+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here