Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen.Indha-qarshe ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya Alshabaab iyo Dowlada.

Taliyaha oo wareysi siiyay Brit Somali TV ayaa soo hadal qaaday walaaca uu ka qabo booqashooyinka fuurimaha ee Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna sheegay inaan loo baahneyn.

Advertisement

“Wasiirka Gaashaandhiga iyo xitaa Taliyaha Ciidamada Xoogga waa qalad inay furimaha tagaan” ayuu yiri Taliye Indha-Qashe

Sarkaalkaan wuxuu xusay in marka dagaal uu socdo Wasiirka iyo Taliyaha ay leeyihiin shaqooyin ka badan oo u yaal loona baahan yahay inay howshooda qabsadaan oo ay ku mashquulin shaqooyin kale .

“furinta waxay howshooda tahay taliye Guuto iyo Taliye horin, iyagaa ka masuul ah hagida  Ciidamada iyo dagaalka”ayuu mar kale yiri

Dhanka kale Jen.Indha-Qarshe wuxuu soo jeediyay in Taliyayaasha deegaanka loo daayo hogaaminta ciidanka si kala danbeyntu u dhumin madaama ay deegaanka si fiican u kala yaqaanaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Indha Qarshe oo ku wajahan Kismaayo xilli taliye laga soo celisay Garoonka

Previous articleXildhibaano Aqalka sare ka tirsan oo booqday xarunta dhigooda Kenya+Sawirro
Next articleShil Diyaaradeed oo Askar Kenyaati ahI ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here