Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Banaan-bax weyn oo lagu taageersan yahay heshiskii dhanka amniha ee dhex maray Dowladaha Somalia iyo Turkey kaasoo dhigaya in Badda Somalia la difaaco.

masuuliyiin Dowlada ka tirsan ayaa ka qeybgalay banaanbaxa sida Wasiiro,xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Banaadir kuwaasoo badankood khudbado jeeiyeen inkastoo wali dibad baxu socdo.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka sheegay banaanbaxa in  Shacabka Reer Muqdisho  si buuxda u taageerayaan  heshiiska dowladda Soomaaliyeed la gashay dalka Turkiga.

Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir-Maareeye ayaa isna ka sheegay banan baxa in Shacabka Hargeysa iyo Burco ay hadleen islamarkaana muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato.

Wasiiru dowlaha Amniga Soomaaliua Maxamed Cali Xagaa ayaa dhankiisa xusay in Turkigu noqdeen walaalo dhab ah.

“hadaan shalay Madi ahayn maanta waxaan haysanaa walaal naga weyn oo na garab taagan, baddeenii iyo dhulkeenii waa badbaadeen”ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa  ka hadlay ujeedka isu soo baxa uu soo qaban qaabiyay Maamulkooda G/banaadir.

“Maanta waxaan iskugu soo baxno taageeridii Dawlada Turkiga, hishiiska difaaca badda waxa uu yimid xilligii aan ugu baahida badneyd”ayuu yiri  Mr Yabooh.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo markiisa hadalo ka jeediyay banaanbaxa ayaa sheegay in muhiimad gaara ay noo leedahay heshiiska Turkiga aan la galnay.

“markii koowaad maaha ee Turkigu Isla Itoobiya nooga hiiliyaan hore ayay isla saylac u soo weerareen Xabashida Itoobiya oo garab ka haleysay boortaqiiska waxaana somalia u soo gurmaday walaalaheen Turkey oo markaac ay ka jirtay khilaafadii islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta”ayuu yiri Xildiban C/raxmaan Caga-weyne.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleHowlgal Dowladu sheegtay in lagu dilay Alshabaab badan
Next articleXildhibaan Caga-weyne “Turkigu hore ayay isla Itoobiyaanka nooga difaaceen isla badda Saylac”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here