Nairobi (dayniiile.com)-Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi waxaa ku soo badanaya dhaca taleefoon gacmeedka loo yaqaan Mobile-da iyadoo burcadu aad u bartilmaameedsanayaan Mobile-da madaama uu yahay hanti qaadisteeda iyo dhicideedaba ay fududahay.

Saraakiisha waaxda dambi baarista Kenya gaar ahan kuwa ka howlgala ismaamulka Nairobi ayaa laga soo xigtay inay laba howlgal oo is xigay ay ku soo celiyeen 717 taleefoon gacmeed kuwaasoo dadkii lahaa ay ka dhaceen burcad.

Advertisement

Howlgalka koowaa ayay ciidamadu dib u soo heleen 354 oo ah taleefoonada gacanta oo horay loo dhacay ka dib markii ay ciidamada howlgal ballaaran ka fuliyeen xaafadda Kayole ee Nairobi.

Howlgalkan ayaa dhacay shalay subax waxaana fuliyay saraakiisha ka shaqeeya saldhigga booliiska ee Kayole.

Bayaan ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in taleefoonada laga dhex helay baabuur ay taargadiisu tahay KAZ 505F oo ah nooca Toyota Premio intii howlgalku socday,sidoo kale  waxaa gacanta lagu dhigay eedeysane lagu magacaabo Dennis Kioko Mutua oo hada xabsiga ku jira sida ay sheegtay idaacada StarFM ee codka waqooyi bari Kenya.

Sidoo kale Howl gal kale oo ka horeeyay midkaan ayaa sidoo kale ciidamadu ku soo celiyeen 417 Mobile oo horay loo xaday waxaana fuliyay howlgalkasi ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nyeri.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXamaas iyo Israa’iil oo Saaka aroortii  is dhaafsaday Maxaabiis
Next articleRa’iisul Wasaaraha oo gaaray Magaalada Kismaay +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here