Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeeray baraha kontorool ee laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo isagoo Ciidamada ku sugan halkaas kula dardaarmay in ay xoojiyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee cadowga Khawaarijta.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale Kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo uu ka dhagaystay Warbixin ku saabsan howlaha Amniga.

Advertisement

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga KGS, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

Previous articleXildhibaanada oo maanta ka dooday kiiska Hooyada la gubay
Next articleSirdoonka Qaranka oo Muqdisho ku qabtay Sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here