GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay nin hore dil usoo geystay.

Eedeysanaha la toogtay oo lagu magacaabi jirey Maxamed Abshir Cabdulaahi ayaa  horay u dilay Cabdinuur Khaliif Gayre.

Advertisement

Goobta fagaaraha ee xukunka dilka lagu fulinaayay waxaaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka puntland iyo ehalada labada dhinac.

Xeer ilaaliyaha guud  Gobolka Mudug ee Puntland  iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa hadalo ka jeediyeen goobta qisaaasta ay ka dhaceysay.

Xeer ilaaaliye C/naasir Maxamed Cali wuxuu sheegay inay ugu danbeyn Maxkamada sare amartay fulinta xukunkaan ku dhacay Maxamed Abshir Cabdulaahi oo 29 jir ahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa u duceeyay labadoodaba madaaama gacan ku dhiiglaha xadka laga oofiyay.

“Hore 7 gacan ku dhiigle ayaa siyaabo kala duwan loogu fuliyay dil midkoodna warbaahinta lama aanan wadaagin laakiin midkaan sababta aan usoo bandhignay ayaa ah in dadku ku baraarugaan in qofkij dila qof sidaan loo toogan doono, dadka oo dhan ayayna dan u tahay”ayuu yiri Gudoomiye Faysal

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

 

Previous articleBooliiska SSC Khaatumo oo gacanta ku soo dhigay burcad hubeysan
Next articleDAAWO: Maxaa ka jira in Somaliland weerar ku tahay SSC Khaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here