Gaalkacyo (dayniiile.com)-Nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu Macalin Iskuul ka ahaa Magaalada Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa inuu is dilay markii uu iska soo tuuray dabaq dheer.

Marxuumka oo lagu magacabi jirey Cabdirisaaq cabdulqaadir Khaliif ayaa wararku sheegayaan in dabaqa hoostiisa laga qaaday shalay subax aroortii xili naftu ku jirtay balse markii isbitaalka la geeyay dhaqaatiirtu sheegeen inuu geeriyooday intii la soo waday.

Advertisement

Ninkaan oo caruurta bari jirey Madooyinka Xisaabta iyo Somaaliga ayaa dadka deegaanka qaar sheegayaan inuu iska soo tuuray dabaqa oo uu isagu is dilay.

Dhanka kale marxuumka nin adeer u ah oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif Diiriye ayaa beeniyay inuu wiilkiisu is dilay isagoo u sheegay BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliya in marxuumka aysan jirin wax dhibaato ah nafsaani ah oo heystay ama duruufo keeni karay inuu is dilo sidaas daraadeedna aysan waxba ka jirin inuu is dilay.

“booliiska ayaa hada gacanta haya arinta oo baaraya sababta dhacdadaani u dhacday iyagaan ka war sugeynaa”ayuu yiri Maxamed Khaliif Diiriye,

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Marxuum CabdirisaaqDhismaha uu dilku ka dhacay

 

Previous articleKalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somalia oo Maanta lagu wado inuu furmo
Next articleXiisad dagaal Beeleed oo Saaka ka taagan Gal-gaduduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here