Madax badan isugu jirta kuwii hore iyo kuwa hada xilalka haya ayaa caawa baraha bulshada ku soo qoreen hambalyadooda bisha Ramadaan oo beri bilaabaneysa sida Sucuudigu ku hogaaminayo caalamul islaam.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo berri ay tahay maalinteeda koowaad.May be an image of 1 person and text

Advertisement
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
May be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎MEpHNOO رمضان_کریم RAMADAAN KARIIM Waxaan hambalyo ku aaddan curashada bisha barakaysan ee Ramadan u dirayaa dhammaan ummadaha Muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed Waxaar Allaah (SWT) weydiisaneynaa inuu na waafajiyo cibaadada bisha Soonka, isla markaana inaga aqbalo XAMSA CABDI BARRE RA'IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA JFS‎"‎‎
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

May be an image of 1 person and text

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna ka hadlay Ramadaanka wuxuuna bartiisa Facebook ku soo qorey sidan:-
Waxaan muslimiinta ku nool daafaha dunida, gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Bisha soonqaad ee caawa i noo bilatay waa bishii Qur’aanka, cibaadada, iyo sadaqada. Waxaan bulshada Soomaaliyeed, si gaar ahna ganacsatada ugu baaqayaa in ay caawiyaan, oo ay ka farxiyaan dadka saboolka ah.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu i naga wada aqbalo cibaadada iyo acmaasha suubban ee Soonqaad. Ku sooma nabad, farxad, iyo caafimaad.
May be an image of 1 person and text

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

May be an image of 2 people and dais

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa isna Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

May be an image of 2 people and text

Sidoo kale Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa isna ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan.

Dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta Muslimka ah waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda bilashada Bisha Soonqaad ee barakaysan.
Bishan oo ku suntan cibaado iyo camal wanaagsan, waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan gurmadka, afurinta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Alle loogu dhawaado.

Alle waxaan ka rajaynayaa in uu naga aqbalo soonka, taraawiixda, tahajudka, sadaqada iyo quraan akhriska, dalkeena iyo dadkeenana uu ku mannaysto naxariistiisa, amni iyo barwaaqo.
No photo description available.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sidaan ku soo qorey bartiisa Facebook:-
Dhammaan Ummaddaha Muslimka ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bisha ugu kheyrka badan, islamarkaana lagu waajib yeelay Ummaddaha muslimiinta.
Fadliga bishan annagoo ka faa’iidaysanayna waxaan is xasuusinaynaa innaan badinno Cibaadada, sadaqada, kaalmaynta masaakiinta iyo aqrinta Qur’aanka Kariimka.
Previous articleDowlada Somalia oo ku dhawaaqday inay beri tahay Ramadaan
Next articleGudiga Somaliland ugu qaabilsan heshiiskii Itoobiya oo booqday xeebta Lug-haye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here