Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciida ugu hambalyeeyey.
“dhamaan Ummada Soomaaliyeed waxan leenahay Ciid Mubaarak sidoo kale waxaan leeyahay Allow naga aqbal soonkii iyo baryadii iyo qimaamkii “ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Soomaalida wuxuu u rajeeyay Madaxweynaha inay nabad waarta helaan insha Allaah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray
Sidoo kale

dda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray hambalyada Ciidul Fidriga oo maalinta berri ah ku beegan, isagoo sanadkaan kiisa xigga u rajeeyay inay ku gaaraan caafimaad iyo nabadgalyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Ebbe weyne uga baryay inuu naga aqbalo acmaashii aan soo gudanay intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan. Munaasabadaan barakaysan ee Ciiddul Fidriga awgeed ayuu Shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay, inay gacan ka geystaan lana caawiyo dadka tabaaleysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Ciidanka Qaranka ee geesiyaasha ah ee ku sugan furiimaha dagaalka ayuu ugu hambalyeeyay
Previous articleTaliska Booliiska oo mar kale yeeshay kulan maalmaha ciida iyo amniga looga hadlayo
Next articleDAAWO; Madaxweyne Xasan oo Masaajidka Isbahaysiga kula tukaday Salaada Ciida dad fara badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here