Jowhar (dayniiile.com)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Xuseen Guud-laawe ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada arxanka daran ee ka jira gobolka shabeelaha dhexe oo ka mida Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Cali Guud-laawe wuxuu sheegay inay mudo sedex bilood ah nabadeyn ka dhex wadeen beelo walaalo ah oo wada dega deegaano hoos taga Degmo Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Advertisement

“saad ogtihiin mudo sedx bilood ayaan u fadhinay saan u heshiisiin lahayn beelo walaalo ah,hadaan meel ka dhameyno meel kaleey ka diicee”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guud-laawe

Madaxweynaha wuxuu carabka ku adkeeyay in dil walaal aan waxba lagu gaareyn adduun iyo aakhiro.

“anagu ka dowlad ahaan  wixii hada ka danbeeya intaan wax nabdooneyn karno waa ka shaqeynay,waxaan balanqaadeynaa inaan dowladnimo iyo sharci ku dhaqno cid kasta oo dagaalka sii wada, hay’adihii garsoorkana waa dhameystirnay”ayuu yiri Guud-laawe

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

DEDGEG: Cali Guudlaawe Xuseen oo loo doortay Madaxweynaha cusub e  Hirshabeelle - Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis.

Previous articleXamaas oo Cashir u dhigtay ciidamo Israa’iil ah oo isku dayay inay soo furtaan maxaabiista laga hayo.
Next articleTahriibiyaal xabsiyada Liibiya laga soo saaray oo Saaka Muqdisho lagu soo dhaweeyay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here