Gaza (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaya in cashir Milatari loo dhigay ciidamo Israa’iiliyiin ah oo watay gaadiid dagaal kuwaasoo howlgal qorsheysan ku doonayay inay ku galaan xaafado ka mida Gaza.

Ciidamadaan oo qorshahooda uu ahaa inay awood ku soo furtaan maxaabiista Yuhuuda ee ay haystan dagaalyahanada Xamaas ayaa la kulmay weerar culus oo kaga yimid Xamaas.

Advertisement

Inta la ogyahay hal askari oo israa’iili ah  goobta ayaa lagu diley halka sedex kalana la dhaawacay sidaasna ay dib isaga soo baxeen markii ay u babac dhigi waayeen dagaayahanada Xamaas.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa qirtay fashilka ku yimid howlgalkooda isagoona sheegtay in sedex askari laga dhaawacay kadb isku day ay ku doonayeen inay maxaabiis soo furtaan.

Dagaalyahanada Xamaas oo awood ku leh marinka Gaza lana socday dhaq dhaqaaqa Yuhuuda ayaa bilowgiiba waxay gantaal kala hortageen ciidamada Yuhudua kaasoo si gaar ah loola bartilmaameedsaday gaadiidka dabaabaadka ay wareen Yuhuuda.

In ka badan 200 maxaabiis ayay heystaan Dagaalyahanada Xamaas kuwaasoo ay ku jiraan dad reer galbeed ah sida Mareykanka iyo dalalka kale ee reer Yurub aadna ugu dhaw dhaw Israa’iil.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Shiinaha oo sheegtay in Israa’iiliyiintu  xaq u leeyihiin inay is difaacaan. 
Next articleMadaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in waan waantii socon waysay markaana ay awood isticmaalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here