QAAHIRA (DAYNIIILE.COM)-Madaxweynaha Masar oo maanta dalkisia ku qaabilay dhigisa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh ayay si fiican isula faaqideen xiriirka labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha Masar ayaa si adag uga hadlay dulmiga ay Dowlada Itoobiya ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya,wuxuuna si cad u sheegay in hadii Somali lagu sii wado dulmiga aysan faraha ka laaban doonin oo ay difaaci doonaan walaalahood.

Advertisement

“Masar ma aqbali doonto xadgudub kasta oo ka dhana Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Masar

mar uu si toos ah u soo hadal qaaday heshiiskii sharci darada ah ee dhex maray Maamulka Somaliland iyo Dowlada Itoobiya ayuu xusay inay diidan yihiin ka Masar ahaan,islamarkana ay taageerayaan mowqifka Dowlada Somalia ay ka istaagtay arintaasi.

“in Soomaalida loo hanjabo waa mid lagu tijaabinayo dulqaadkeena, taasina ma jirto cid ay maslaxad  tahay”ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi.

“waxaan si hagar la’aan ah u garab taagannahay Walaalahee Somalia haddii ay noo yeeraana kama baaqan doono, Dowlada Masar waxaa ka go’an inay ilaalineyso  amniga Soomaaliya,” ayuu mar kale ka dhawaajiyay

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleGud. Aadan Madobe oo la kulmay Hay’ado UN-ka tirsan+Sawirro
Next articleNin gowracay wiil uu adeer u yahay oo gacanta lagu soo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here