Wufuud ka socota Midowga Africa ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho kuwaasoo kulamo la qaadan doona madxda Dowlada.

Wafdigan waxaa hogaaminaayay Wakiilka Joogtada ah ee Guddi-hoosaadka qaxootiga dalkooda dib ugusoo laabta iyo barakacayaasha Danjire Jainaba Jagn.

Advertisement

Masuuliyiintaan waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika Shafie Nuralaas Farah iyo Taliyaha Ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding.

Wafdigaan waxaa la sheegay inay Muqdisho joogi doonaan mudo asbuuc ah waxaana ugu badan waxyaabaha ay madaxda Dowlada kala hadli doonaan  xaaladda bini’aadaninimo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

Previous articleXog ku saabsan warar dheeraad ah oo laga helay heshiiskii dhex maray Dowlada iyo Beesha Xawaadle
Next articleMuwaadin Soomaaliyeed oo Askari Ugandha u dhashay ku dilay irida Xalane kadibna isagii la toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here